Author Archives:

Haweenka Maxay Jecel Yihiin In Ragooda Ay Ka Helaan?

Waxaa jira qaar ka mid ah haweenka oo jecel in ninkooda uu u keeno waxyaabo la isku qurxiyo iyo hadiyado qaali ah , halka qaar kalana ka helaan in uu u keeno hadiyo iska caadi ah balse micnooyin badan xanbaarsan .

Ka dib baaritaan fog oo ay sameeyeen qubarada arimaha qoyska ee shabakada alcarabiya ayaa wax ay ku ogaadeen in waxyaabaha haweenka ay kaga baahan yihiin ragga ay ka badan yihiin dhanka maaliyada , hadaba liiskaan ayaan ku soo koobeynaa wax yaabaha ugu muhiimsan , aqritse adna waad ku sii darsan kartaa qeybta fikradaha .

Waqti Dheeraad Ah: ragga badan ma fahansana qiimaha ay leedabhay in xaaska la siiyo waqti aad kuwada xariirtaan, waxaa haboon in xaaksa waqti la siiyo lala kaftamo , lala sheegeysto .

In Laga Caawiyo Howsha Shaqada Guriga : Haweenka inta badan waa ay ka gaabsadaan in ay ninka ka codsadaan in uu ka caawiyo howsha guriga , hadaba ninyahoow in aad xariif iska dhigto haka sugin in ay kaa dalabato ee inta awoodaada ah la qabo xaaskaada shaqada guriga .

Tix Gilin: Hadii hawneeneydu ay ka shaqeyneyso guriga ama banaanka waxa ay aad u door bideysa in ay dareento in ninkeedu uu tix gilinayo , xitaa hadaad awoodin in aad ku tix giliso hadiyad yar ha iloowin hadalka macaan waa hadiyad .

 

In Aad Fahanto: haweeneydu aad ayay u jecashahay in ay dareento in ninkeeda uu fahmayo sida iyada u fahmeyso oo kale . Hadaba ninyahoow maanka ku haay in haweeneydu aysan u baahneyn hanti iyo waxyaabaha qurxoon si ay u ahaato mid faraxsan balse arimo yar ayaa ka dhigaya in ay dhoola cadeyso oo ay faraxsanaanto .

Share on Facebook

Isu qurxi xaaskaaga adiguna

Ma la socotaa inay xaaskaagu ku farxayso markay aragto adoo jidhkaaga ka shaqaynaya!

Ma ogtahay inay xaaskaagu ku raaxaysanayso markay aragto adoo iyada isu qurxinaya!

Ma ogtahay inaad ajar ku helayso markaad xaaskaaga isu udgoonaysiiso!

Ma ogtahay jacaylka ay kuu qabto inay sii siyaadinayso ihtimaamka aad jidhkaaga siinaysaa!

?

Mase ogtahay inay ka diiqadoonayso

Markay ku aragto adoon jidhkaaga ihtimaam siinayn!

Adoon cidiyahaaga gurayn ( iska jarayn joogto )!

Markay ku aragto cidiyahaaga oo wasakhi ka buuxdo!

Markay aragto timahaaga oo aan saliid la marinayn ama markaliya la shanlaynayo maalintii!

Jidhkaaga oo markasta basaas ka muuqato oo aan saliid & kiriim midna la marin!

Markaad udhawaato adoo sigaar iyo qadhmuunkiisii kaa soo urayo!

Markay ku aragto jidhkaaga oo aan dhisnayn!

Adiga oo ay calooli kaasoo baxday ama naaso yeeshay!

Gadhkaaga oo aadan nidaaminayn!

?

Ma ogtahayse inay ka xumaanayso

Markasta oo aad ku canaanato inayna is qurxin, adoo adiguna aan dan ka lahayn jidhkaaga!

Markasta oo aad ku dhahdo basalbaa kaa soo uraysa, adoo adigana uu sigaar kaasoo urayo!

Markasta oo aad jidhkeeda wax ka sheegto, adoo adiguna kaaga u arkaya inuu dhamaystiran yahay!

?

Kaama rabto xaaskaagu

Inaad uunsi shidato!

Inaad dhaldhalaal xidhato!

Inaad afka soo casaysato!

Inaad makeup marasato!

Inaad gacmaha xine marsato!

Inaad timahaaga koofeerka gayso!

Inaad jidhkaaga ka yeesho mid jidhkeeda oo kale ah!

?

Waxayse kaa rabtaa

Inaad dareensiiso inaad iyada isu qurxinayso!

Inaad tusto inaad ihtimaam siinayso jidhkaaga oo aad iyada isu diyaarinayso!

Inaad ugu fakarayso iyada sida ay iyadu kuugu fakarayso markasta!

Inay ku aragto markasta adoo udgoon kaasoo carfayo!

Inay aragto jidhkaaga oo soo jiidanaya markasta!

Inay aragto muruqyadaada oo jidhkaaga kasoo muuqda ( adoon ka badbadinayn )!

Ma ogtahay hadaba

Inataas oo dhan inayna marna ragganimadaada wax u dhimayn siday aamin san yihiin niman badani, iyagoo xujo ka dhiganaya is qurxinta iyo iska shaqaynta waxaa loogu talo galay dumarka. Waxay dhahaan nimankaasi, gabadhu waa inay ninka ku qaadataa sida uu yahay, ninka is qurxintiisu waxay ku eegtahay inuu qubaysto, cadaydo & inuu dhar nadiifa xidho.

Waxaa hubaala nimanka sidan u fakarayaa inay iloobeen in dumarku ay yihiin banii aadam iyaga oo kale ah, oo wixii naftiisa raali galinayaa in iyadana uu raali galinayo, in sida uu u jecelyahay dhalaalka iyo quruxda xaaskiisa inuu arko markasta inay iyaduna sidaas oo kale u jeceshahay.

Tusaalena waxaa inoogu filan saxaabigii waynaa Ibnu Cabaas siduu samayn jiray, markasta oo uu arko xaaskiisa oo isu soo qurxinaysa ama isu soo diyaarinaysa isaga, isna markaa ayuu ku dhaqaaqi jiray inuu isu diyaariyo iyada.

Share on Facebook

Fikrado roomaantik ah, oo aad xaaskaaga usamayn kartid.

Niman badani way rabaan inay roomaantik noqdaan, laakiin habkii ayaa ka maqan ama ma garanayaan sidee. Sidaa darteed waxaan ku siinayaa afkaar kaa dhigaysa nin roomaantik ah.

Ka waran:

* Hadaad ubax udhigtid iyadoo uu lasocdo hadal macaan oo aad uqortay, udhig meel ay ka arki karto sida sariirta ama miiska, si ay uaragto adoo ka maqan guriga.

* Haday kaa hor marto sariirta si ay useexato adna wali aadan seexan, daqiiqado sug kadib si tartiib leh soo gal qolka, oo bustaha ama go?a u huwi sifiican oo dhunko kadib iska bax si tartiib leh.

* Marmar ggaariga hadaad koraysiin ka hor mar oo ufur albaabka ggaariga.

* Markay seexato uqor masej (fariin) hadalo jacayl ah iyo xiiso ku jira, si ay marka ay soo kacdo u akhriso.

* Hadaad ka soo hor kacdid marmar quraac fudud u diyaari waxa aad awoodid, oo sariirta ugu keen kuna kici hadal macaan.

* Markaad qadaysid marmar dhunko gacanteeda oo ku mahdi cuntada adoo amaanaya cuntadeeda, oo la aruuri weelkaa adoo la aruurinaya weelka oo jikada gaynayana layara fara cayaar.

* Marmar haday baxayso oo ay kabaha xaragooda xiranayso uyara foorarso oo isku day inaad kala caawisid xirashadeeda.

* Marmar barnaamij idinkoo wada daawanaya, jikada aad adoo aamusan oo kaga yaabsii inaad ukeentay shaah iyo buskud, adoo dhoola cadeenaya oo faraxsan.

* Iyadoo qolka hagaajinaysa kaga yaabsii inaad qolka kale hagaajisay iyadoo rabta inay hagaajiso.

* Adoo banaanka ku maqan shaqo ama asxaabtaada la maqan, iska soo wac daqiiqado oo usheeg inaad usoo xiistay.

* Hadii baabuurkiina qof sadexaad idin la saaran yahay, iyaduna ay gadaal fadhido, indhaha ku xad muraayada oo u iljabi marmar, ha yaabtee.

* Marmar u duug jirkeeda, intaad saliid keentid.

* Hadaad ka hor kacdid oo la idin ka rabo qubayska waajibka ah, inaad u diyaarisid tuwaalka markaad adiga dhamaysatid, oo aad huwisid ama ugalisid tuwaalka.

* Inta ay uurka leedahay inaad uduugtid, ama kareem umarisid cageheeda.

* Banaanka idinkoo wada socda kaga yaabsii inaad dukaan iska gashid oo aad hadiyad uqaadid.

* Inta ay uurka leedahay caloosha usalaax oo aabe sugi kari la?a ilmihiisa noqo, marmarna ka dhunko caloosha, oo iska dhig mid raba inuu dhagaysto ilmaha.

WQ:Sucaad A Maxamed

 

 

Share on Facebook

Barbarooniga Waxa Uu U Roon Yahay Galmada .

Barbarooniga waxa uu ka mid yahay khudaarta inta badan dadka ay aadka u jecelyihiin gaar ahaan Soomaalida aad bay u isticmaashaa xiliyada ay karsanayaan cunada. balse kuma baraarugsano in wax badan uu kusoo kordhiyo jirka aadmiga gaar ahaan ragga iyo Dumarka.

 

 

Ragga inta badan xiliyada ay socoto ciyaarta sariirta waxa ay u kala baxaan kuwa ku daaha ciyaarta iyo kuwa wareega hore ku hara waxaana la ogaaday in dhibtaada ay tahay xanuuno xiligaasi jira iyo qofka oo aanan ku qanacsaneen in uu sii saarnaado sariirta, si kastaba ha ahaatee Barbarooniga ayaa la ogaaday in wax badan uu ka taro biya daaha ama in ay bataan biyaha oo xiisaha iyo ciyaarta sariirta ay noqoto mid aan dhamaan oo la macaansado.
Baaritaan la sameeyay ayaa waxa aylagu soo ogaaday qoysaska Soomaalida ee inta badan isticmaala barbarooniga ay badanyihiin ayagoon ka warheyn waxa uu taro balse isaga darsada cunada oo qur’ taa oo ugu danbeyntii nagu kaliftay in aan soo bandhigno faa’ida iyo wax tarka gaar ahaan uu u leeyahay ragga barbarooniga.
Kaliya biyaha ma badiyo ee waxa uu kobciyaa awooda iyo in xiisaha sariirta in uu sii ahaado mid aan lagu kala bixin xili hore waana faa’ida uu ilaahay barbarooniga ku dhax abuuray.
Inta badan barbarooniga waxaa laga helaa goobaha lagu gado khudaarta waxaana sameyn kartaa adigoon karin ayaad ku cuni kartaa ceyriinka wax dhib ah kuguma uu abuurayo hadii maalin kasta aad ka isticmaasho wajbad ama garaam dhan 1/2 ama qiyaas ahaan 5-xabo waxaan kuu balanqaadayaa in wax badan ay iskaa badali doonaan dhanka ciyaarta sariirta oo aad noqon doonto mid awood u leh in wax badan in uu sii safto ama biyo badan uu ku maansheeyo nawaaxiga bahalka xaaska.

 

 

Share on Facebook

Dhibaatooyinak Siigada

1- Haddii qofku uu u barto inuu ku kacsado oo ku biyabbaxo gacantiisa, waxa mustaqbalka ku adkaanaysa in istiiminta kaga timaada gacalkiisa uu ka helo kacsi u dhigma kii uu ka heli jiray gacantiisa.

2- Seegadu ma keento haqab-beelka dhabta ah ee ay keento galmada cadiga ahi, iyada oo galmadu aanay ku koobnayn oo qura xubnaha taranka sida seegaysiga, balse tahay kulan nafsiyeed iyo mid jinsiyeed oo dhexmara labada isjecel, sidaasina qaybaha jirka oo dhami ay kaga qayb qaataan raaxada ka dhalata kulankaasi.

3- Waqtiga galmada waxa maskaxda qofka ka buuxa istiin iyo raaxo macaan, hase yeeshee qofka seegaysanayaa si uu ku helo istiin waxa uu u baahan yahay inuu ku fekero waxyaabo dhib ku ah maskaxdiisa, kuwaasi oo keena daal iyo dhibaato maskaxeed.

4- Galmada caadiga ahi kolka ay dhacdo (gaar ahaan tan ka dhalata guurka), lagama qaado wax aan ka ahayn raaxo iyo raynrayn, ha yeeshee qofka seegaystaa kolka uu kacsado waxa uu illaawaa in uu sameynayo amaba sameyn doono wax sharci darro ah, laakiinse kolka uu biyabbaxo ayuun buu indhaha kala furaa oo ku baraarugaa foolxumada waxa uu sameeyay iyo inuu keligii isku raaxeystay, aysanna la joogin – sida uu maskaxda gashaday gabar qurux badan oo uu jecel yahay, sidaasi bayna murugo ugu dhalataa. Qofka caynkaasi ah waxa uu dareenkiisa dembi iyo murugo kordhaa kolka uu dadka ka maqlo in seegadu ay tahay wax keena dembi aanu Eebbe cafin iyo cudurro maskaxda wax u dhima, sidaasi bayna qofkaasi ugu dhalataa murugo joogta ah, xaasidnimo iyo damiir la’aani.

5- Galmada tooska ahi waxay u baahan tahay laba qof, waqti iyo meel ku habboon si ay u hirgasho, halka seegadu ay ka dhici karto waqti kasta oo qofka seegaysanayaa uu doono, sidaasina dadka qaar iskaga badbadiyaan, taasi oo dhibaato ku keenta jirka iyo maskaxda labadaba.

6- Waxay keentaa xiniinyaha iyo qanjirka Borostaatka oo barara, mar hadduusan qofku biyihii galay xiniinyaha galmo buuxda isaga saarayn, oo kolba markuu seegaysto qaar ku harayaan.

7- Waxa ay keentaa geedka ninka oo jilca ooy tabardarri ku timaado, gabadhiisana galmo buuxda la gudan waaya, dabeetana guurkii cusbaa furriin ku gebageboobo.

8- Waxa ay keentaa ninka oo degdeg u biyabbaxa, gaarsiina waaya intay xaaskiisu gariir ka gaarto, halkaana guurkii ku fashilmo.

9- Habluhu mararka qaar way ku bekra-jabaan seegada. Gabadha muddada dheer seegaysanaysay, caadana ka dhigatay, waxa laga yaabaa inayba ku raaxaysan weydo galmada ay gacalkeeda la wadaagto, taasi oo iyana keenta guurkii oo burbura.

10- Waxa ay qofka tirtaa laab furnaanta, bashaashnimada, iyo awooddiisa shaqo, haddii uu iska badbadiyana waxay dhaawacdaa qanjirrada iyo xididdada maskaxda.

Fiiro Gaar ah: Isku biyabbaxa habeenkii qofka kuma keeno tamar darri, maadaama aanay qanjirradiisa taranku daallayn, waxayna awoodaan inay hal jeer habeenkii biyo tuuraan, saana ku wadaan muddo soddon sanadood ah. Ninka caafimaadka qabaa waxa uu galmo samayn karaa 2-3 jeer usbuucii, isaga oon wax dhibaato ahi gaarin, ha yeeshee dadka qaarkii oo 3-10 jeer malintii seegaysta waxay sameeyaan khalad weyn, falkoodaasina wuxuu keenaa tamardarri iyo caajis ku yimaada xubnaha taranka iyo habdhiska maskaxda. Xubnaha taranku haddii ay helaan waqti nasasho ku filan waa ay kasoo kaban karaan dhibaatooyinka ka dhasha seegaysiga faraha badan, haddiise uu qofku joogteeyo seegaysiga, waxay markaasi u dhow dahay in uu dhaawac ku yimaado walxaha jirka ee firfircooneeya qanjirrada iyo xididdada maskaxda, xididdadaasi oo haddii ay dhintaan aanay suuragal ahayn inay mar labaad awood u yeeshaan inay gutaan shaqadoodii caadiga ahayd.

Share on Facebook

Maxaa U Sabab Ah Xubinta Taranka Haweenka Oo Shiirto, Dhibaato Noocee Ayay Leedahay

Haweenka qaarkood ayaa si weyn uga sheegta in uu shiir (Ur) uu ka soo baxo xubintooda taranka taasi oo ku reebtay wel wel , lagana yaabo in dhibaatooyin qoys ay ku reebto .

Hadaba Maxaa Keena Shiirkaas , Dawo Ma Leeyahay , Goormuu Inta Badan Yimaadaa ?

Shiirkaasi ka soo baxa xubinta taranka haweenka ayaa waxa uu ka dhashaa infekashan dhanka bekteeriyada ah (Bacterial infection) iyadoo infekshankaas uu ka dhasho cilad ku timaada isu dheeli tirnaanta noocyo gaar oo ah bakteeriyada loo baahan yahay ee dhab ahaan laga helo xubinta taranka haweenka.

Hadaba Maxay Tahay Bakteeriyadaas Loo Bahan Yahay, Maxaana Loola Jeeda Qal-qalka Ama Ciladda Ku Timaada Kobaca Bakteeriyada?

Inta badan haweenka waxa ay leeyihiin noocyadaas la yiraahdo bakteeriyada anfaca leh ee xubintooda ku jirto waxaana la yiraahdaa Mobiluncus Iyo Gardenella.

Balse haddii ay kordhaan oo ay bataan labadaan nooc ee bakteeriyada loo baahan yahay waxaa taasi ka dhalaneysa infekashanka loo yaqaan Inflammation of the vagina anaerobic.

Hadaba Sidee Ku Ogaan Kartaa In Xubintaada Taranka Shiireyso?

Waxaa suura gal ah in arintaan shiirka ka soo baxaya xubinta ku ogaato laba xaaladood midkood , marka koowaad waa galmada ka dib ama marka aad ka qubeysato dhiiga caadada ah .

Waxaana xusid mudan in xaaladahaan ay la socdaan qoyaan biyo camal ah oo xubinta taranka qoynaya midib ahaanna ah Gray color.

Maxaa Xal U Ah Arintaan:

Dhab ahaan xal ugu sahlan waxa uu yahay in la isticmaalo Antibiotic-ga loo yaqaan metronidazole oo isugu jira kaniini iyo sharoobo sidoo kale Haweenka qaar ayaa isticmaala liin dhananta amaba mariya xubinta taranka taasoo yareeysa caabuqa ama infakshanka dheecaanka ka yimaada xubinta taranka taasoo keenta shiirka.

Waxaa la cadeeyay in dawadaan wax tar weyn u leedahay infakshanadaas , fadlan ha is ticmaalin adiga oo taqatar uusan kuu qorin.

Ugu Dambeyntii Arintaan Ma Lagu Tilmaami Karaa Cudur Halis Ah?

Dhab ahaan haa hadii sida ugu dhaqsiyaha badan la isaga daaweyn , waxa uuna keena sida taqaatiirtu tilmaameen ilmaha oo dhasha iyadoo aan xiligood la gaarin(Dhicis)

 

 

Share on Facebook

Waxyaabaha Biyo Deg Dega Ku Keena Ragag Iyo Xal Loo Hayo

Waxaad moodaa in bulshadeena ay ku yartahay wax waydiintu, taasoo u sabab ah aqoon la,aan baahsan iyo dadkeena oo aan inta badan wax wayn u arag waxyaabaha qaar sida dhibaatadan aynu manta ka hadli doono ee loo yaqaan (premature ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ah wakhtiga galmada. Akhriste waxa hubaal ah in wixii xun uun laga xishoodo maadama ay wanagsantahay in aad ogaato waxkasta oo ku dhaca bani aadamka sida xanunada kala duwan oo badankooda laga dawoobo. Maqaalkan manta waxaynu ku eegayna xanuunkan loo yaqaan (PE) oo boqolkiiba 65-70% ku dhaca raga aduunka ku nool, iyadoo celcelis ahaan 3dii ninba uu hal nin ka cabanayo dhibatadan la soo darista wakhtiga uu qofku guursado.

Waa maxay (premature ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ahi?

Waxa afka qalaad lagu yidhaa (premature ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ah xiliga galmada, xanuunkan oo keena in qofku uu awood u yeelan waayo inuu xajiyo biyaha manida ah xiliga galmada iyadoo dhakhaatirka badankoodu ay isku raaceen in raga qaar ay ku biyo baxan wax ka yar 30sec ilaa 2 minute inta u dhaxaysa, mararka qaarna uu qofku biyo baxo isagoon wali hawshiba bilaabin, xanuunkan ayaa noqday mid fara baas ku haya dhalinyarta qarnigan nool, hadii aynu si kale u dhigno, iyadoon la odhan Karin waa xanuun wayn hadana way adagtahay in ninka dhalinyarta ahi uu tago dhakhtar oo uu soo bandhigo inuu ka cabanayo xanuunkan, akhriste, sida aynu wada ogsoonahayba caafimaadku waa shay muhiim u ah saldhiga nolosha.

Waxa suurto gal ah adigoon is ogayn inaad tahay qof ay dhibaatadani haysato, inaad guursato maalin maalmaha ka mida, mudo yar kadibna aad ogaato inaad tahay qof aan (control) lahayn xiliga galmada lagu gudo jiro,taasina ay ku sababi karto lamaanaha waji gabax iyo raaxo la,aan.(dissatisfaction of marriage). Gabadh ka mida gabdhaha caalamka ku nool ayaa jariirad online ah oo la yidhaa (zawaj.com) kusoo qortay cabasho ay kaga cabanayso ninkeeda iyadoo cinwaan uga soo dhigtay(my husband does not satisfy me in bed) oo macnehedu yahay ninkaygu ima qanciyo, akhriste dumar badan oo caalamka ku nool ayaa ragooda ay dhibatadani la soo daristay iyadoo ay haboon tahay in haweenaydu ay ninkeda ku baraarujiso inuu tago dhakhtar nooca (psychological doctor) ama (therapy sexual healing expert)

Hadaba biya baxani waxa uu dhaca wakhtiga uu ninku ama gabadhu ay ku gudo jirto galmada iyadoo raga qaar ay suurto gal tahayba in wax ka yar hal daqiiqo uu biyo baxo. Warbixin uu soo saaray journal ka soo baxa dalka maraykanka oo loo yaqaan (American medical association journal) wuxuu tilmaamay in rag iyo dumarba kuwa ay da,doodu u dhaxayso 18-59 ay boqolkiiba 14% aanay galmada ku raaxaysan sabab la xidhiidha biya baxa lamanohooda awgeed halka boqolkiiba 26% aanay rabin galmo haba yaraate. Akhriste waxaad maanka ku haysaa in ay aanay xanuun ahayn in ninku biyo bax badani ku yimaad wakhtiga uu ku cusubyahay guurka taasoo ay ugu wacantahay raynranta uu galmada(sexual excitement) u hayo balse mudo yar ka dib aanad biyo bixi doonin adigoo la qabsan doona taasina waa caadi ah (normal situation).

Maxaa keena (premature ejaculationka)?
Waxa xaqiiqo ah in waxkasta oo qofka ku dhacaa ay leeyihiin sabab, hadaba dhibatadan oo noqotay mid ku baahaysa dhalinyarta da, yarta ah ayaa waxaynu soo qadan doona dhowr qodob oo ah waxyaabaha keena inuu qofku hore u biyo baxo.
1- Dhibaato nafsiyan ah(psychological factors)(personal problems) qofka oo shaqo badan haya maalintii oo dhan kadibna marka uu guriga usoo hoydo aan ka helin haweenaydiisa soo dhawayn aad u saraysa, in qofku uu kalsooni daro ka qaado haweenaydiisa ama gabadhu sayigeeda aanay aad ugu kalsoonayn iyadoon dhiiri galin badan siinin(sexual feeling), qofka oo wakhtiga uu galmada bilaabayo dareema iskubuuq badan (excessive nervousness owing to sex). Soojeedka habeenkii oo isaguna ka mida waxyabaha keena, iyadoo lo bahanyahay qofku inuu yareeyo saamalaylka ama soo jeedka faraha badan.

2- Qofka oo ay la soo darsaan dhibaatoyin xaga jidhkisa ka imid kuwaas oo ay ka mid noqonayaan, qanjidh xanuunka (thyroid gland) xiniinta oo ku xanuunta (prostate infective diseases) iyo isbadalka ku imaada maskaxda oo qayb wayn ka ah biya baxa qofka. Tusale ahaan, adigoo ka fikiraya waxyaabo kale oo aad samayso galmo waxa hubaal ah in ay iman karto dhibatadani

3- Cabida sigaarku waxay qayb laxaadle ka qadata dhibatadan in qofku uu xajin waayo biyaha wakhtiga galmada, sababtoo ah unugyada dhiiga qaada waxay noqdaan kuwo aad u yaryar(our cells become smaller due to smoking) markuu qofku sigaarka cabo, taasoo hadhaw keenta in dhiiga qofku uu xoog u shaqayn waayo(poor blood circulation).

4- Cunista qaadka, waxa laga yaaba dad badan inay is waydiiyaan waa maxay sababta cunista qaadku ay biyo baxa u keento, akhriste qaadka oo ay ku jiraan maadooyin badan oo raacsan qaybta mukhadaradka(drug additctive) qofku marka uu qaadka cuno waxa laga yaaba in hamiga uu u hayo inuu la galmoodo xaaskisu uu yahay mid aad u sareya (high capulation drive) lakin inka yar 3 daqiiqo ama 2 daqiiqo ayuu qofku ku biyo baxaa(early discharge) isagoo markiiba noqda qof hurdo hayso, taasna waxa ugu wacan cunista qaadka oo ah daroogo la dagaalamaysa jidhkena(physical and mentally problem) qofkuna aanu awoodin inuu marlabaad xaaskisa u tago.

5- Qodobkan 5aad oo ah ka ugu muhiimsan ee dhakhaatiirka caalamku isku raaceen inuu keeno biyo baxa dagdaga ah80% ayaa waxa loo yaqaan afka qalaad(masturbation) ama qofka oo isagu gacantiisa iskaga keena biyaha isagoo kali ah. Waxa la ogaaday in dhalinyarta rag iyo dumarba ay ugu wacantahay in boqolkiba konton ay ku keento dhibatadaasi biya baxa dagdaga ah marka uu qofku guursado.

6- Daawashada filimada aan haboonayn ayaa qayb laxaadle ka qaata biya baxa dagdaga ah taasoo ay ugu wacantahay inay maskaxda qofka badalaan isagoo qofku aan ogayn ayaa waxa ku iman karta in hadhaw markuu xaas yeesho uu hayn kari waayo biyahii(dawashada filimadaas oo la isku raacay inay hoos u dhigaan raganimada ninka).

Maxaa dhibaato ka iman karta?
Akhriste, waxaan filaya inaad fikrad fiican ka haysato mawduucan, waxaynu isku dayaynaa ama ay su,aasha ugu muhiimsani tahay, biyo baxa dagdagi ahi rag iyo dumarba dhibaato maku keeni karaa habsami socodka qoyska?
Su,aashan oo in badan muran ka taagnaa ayaa dhawaanahan danbe la isku raacsanyahay in ay jawaabtu tahay HAA!

Way adagtahay in ninku uu ka hadlo dhibaatadan iyadoo raga badankoodu ay qarsadaan taasoo ay u arkaan inay tahay mid aan haboonayn in laga wada hadlo, akhriste dad badan ayaa aaminsan inay tahay ceeb in qof dhakhtar ah ama aqoon u leh dhibaatadan la waydiiyo sidii looga bixi lahaa.

Waxa marag ma doonto ah, in wakhtiga galmada ay niyad jab wayn ku tahay lamaanaha in midkood uu hore u biyo baxo isagoon qofkii kale gaadhin ahmiyadii (climax) taasoo raga ay dhibaatadani haysato ay anfariir ka qaadan, inay la galmoodan xaasaskooda dhibatadan awgeed, iyagoo isku arka inaanay ahayn nin buuxa.

Run ahaantii taasi waxa aad ogata in xanuunkan premature ejaculation uu yahay ka ugu sahlan ee laga dawoobi karo, qofkana nolosha lamaanihiisu ay ku hagaagi karto. Isku soo wada duuboo, dhibaaatada ugu wayn ee ka iman kartaa waxa weeye inaad qancin kari waydo xaaskaga taaso mararka qaar keenta xidhiidh xumo qoys.

Dawo maleeyahay?
Inagoo soo gaadhnay nuxurkii maqaalkeenan, warka fiicani waxa uu yahay in xanuunkan looga dawoobi karo si aad u dhibyar.
Akhriste, hadii aad hore ugu tagtay dhakhtar oo uu kusoo qoray kiniinada awooda siiya ninka xiliga galmada ee ay ka midka yihiin, Viagra, creams, spray etc, waxaad ogaataa in xaaladu ay kasii darayso, waxa la isku raacay in dhamaanba kiniinada noocaas ah ee tamarta siiya raga ay yihiin qaar aan haba yaraatee waxba ka tarin xanuunankan biya baxa dagdaga ah.

Dhalinyaro aad u tiro badan xanuunkan waxa ku keena iyagoo badankoodu daawada filimada aan fiicnayn ama loo yaqaan(blue films) waxay culimadu isku raaceen inay door wayn ka tahay biya baxa dagdaga ah, akhriste hadii aad jeceshahay inaad xaaskaaga qanciso waxa kale oo haboon inaad joojiso waxyaabaha aan hore u soo sheegnay oo aad maskaxdada u sheegto xaqiiqda, waxa kale oo aan hadal ka taagnayn in qofkoo kaligii biyaha iska keenaa uu dhaxli karo biya bax kadib markuu guursado ama ka horba.

Hadaba waa noocee habka ugu fiican ee aad kaga dawoobi karta?
Boqolkiiba 80% ilaa 90% ragu way ka dawoobaan xanuunkan, hadii ay helaan daryeelka looga baahanyahay, (better control theraphy)

1- Waxaad ugu horayn joojisaa cabida sigaarka, cunista qaadka iyo drugs kale hadii aad istcmasho gabi ahaantoodba, inkastoo ay adagtahay in qofku u balwad uu leeyahay hore u joojiyo waxaad isku daydaa inaad badsato cabista biyaha (mineral water) aroortii hal litir oo biyo ah intaanad quraacan, mudo 3 bilood ah.

2- Hadii ay da,daadu u dhaxayso 18- 35 waxaad ogaata biya baxa hore in uu yahay wax caadi ah oo aanay dhibaato badan lahayn, waxaad isku daydaa inaad maskaxdaada ka saarto inaad biyo baxayso wakhtiga aad hawsha ku jirto, adigoo fikirkaga gaynaya meel kale si ay kaaga raagaan. Dhalinyta u dhaxaysa da,daas waxa sabab u ah in ay hore u biyo baxaan guurka oo ay ku cusubyiiin iyo farxad galmo oo qofkii awood u yeelan waayo inuu control u sameyo biya baxa(sexual excitement) taasina wax dhibaato ah kuma laha qofka haba yaraatee, waxaad isku daydaa uun inaad hawsha mudo yar kadib bilowdo(second go)

3- Calooshaada oo buuxda ama aad cunto cuntay inta aanad galmada samayn kahor, akhriste waxa dhakhaatirku isku raaceen inay qayb wayn ka tahay biya baxa ragu marka ay calooshu buuxdo(sex on full-stomach results premature ejaculation) hadaba waxa haboon inaad 3 sacadood ka hor wakhtiga aad galmoonayso wax cuntay.

4- Wakhtiga aad galmada ku gudo jirto, waxaad isku daydaa inaad jidhkaaga oo dhan ka dhigto mid dagan adigoo adeegsanaya inaad marna neefta kor u qadato marna soo dayso ( breathe in-breathe out )

5- Isku day inay xaaskagu ku tidhaahdo erayo ay ka mid yihiiin ‘jooji’ Stop it, ‘ Xaji’ (hold it) iyo qaarkale oo dhiiri galin ah, tani waxay qayb wayn ka tahay barashada galmada dheer dhinaca maskaxda iyo laqabsigaaga, u sheeg xaaskaga marka aad soo dhawdahay si ay kugu dhiri galiso inaanad biyo bixin.

6- Raga intooda badan waxa suuro gal ah inay ku fiicanyihiin marka labaad, (second round) fadlan hadii aad tahay qof ay biyuhu hore uga imanayan, isku day inaad mar labad xaaskaga u tagto adigoo inta wakhtiga u dhaxaysana xaaskaga habab kale ku mawelinaya, marka aad kacdana hawshii dhamays ka dhigaya, waa siraha ugu muhiimsan, fadlan tijaabi.

7- Fadlan jooji dawashada filimada xunxun, sawirada xunxun, iyo eegista dumarka aan asturnayn, waxay qayb wayn ka yihiin hami yaraanta, waxa kale oo haboon in qofku uu gabi ahaanba jojiyo iska keenida biyaha uu isagu iska kenayo. Qofka waxkale oo oo haboon inuu yareeyo galmada faraha badanle mudada hore ee uu rabo inuu xanuunkan ka bogsado, waxa ay culimo badani isku raacsanyihiin in galmada ugu fiican uu qofku samayn karo halkii week maalin, tani waxay soo celin kartaa tayada biyahaga iyadoo yarayn karta biya baxa badan ee had iyo jeer kugu iman kara.

8- Hadii ay dhibaatadu intaa ku istaagi waydo waxaan kugula talinaya inaad u tagto dhakhtar adigoon ka xishoonayn, fadlan ka digtoonaw dhakhatirta bixiya kaniinada biyaha rajiya ee ay ka midka yihin Viagra iyo spray’s ka la isku buufiyo kuwaas oo dhamantod xaalada sii xumeeya, waxad raadisa dhakhaatirka lo yaqan (theraphy doctors) iyagoo ku siin doona talooyinka ugu haboon.

Cuntooyinka aad cunayso!
Akhriste, cuntooyinkan waxaad cuntaa maalinkasta mudo 3 bilood ah insha allah waxaad la kulmi doontaa is badal wayn.
Cuntooyinka aad u baahantahay:-

1. Qamadida(habeenkii hadaad heli karto casho ahaan)
2. Xasiida macaan(sweet corns)
3. Baamiyaha(isaga oo qadada lagu karinayo)
4. Beans ka cad
5. bariiska
6. Sesame seeds (Tal)
7. Basasha cad (xabad maalintii way kugu filantahay)
8. Toonta oo aad cunto(very recommended)
9. Karooga, hadii aad ridqi karto isagoo bila sonkor ah
10. Coconut hadii aad helayso waa muhiim
11. Cinabka
12. Tufaaxa
13. Muuska
14. Maangada
15. Kaluunka iyo wixii sea food ah oo dhan(waa muhiim)
16. Hilibka (red meat)
17. Caanaha(nooca aan labeentu ku badnayn) law fat milk
18. Ciirta, ama yogurt, aroortii ayaad ku quraacanaysa
19. Ugu danbayn waxaad cabaysa maalintii biyo badan si ay shahwadaadu u noqoto mid tayo badan (quality semen sperm)

Cuntooyinka aad ka fogaanayso!
1- Basbaaska cas
2- Cuntooyinka dhanaanku ku badanyahay(all sour foods)
3- Tea, Coffee, Caffeine
4- Khalka lagu daro saladka (vinegar)

Guntii iyo gabagabadii mawduucan maanta, waxaan ka cudurdaaranaya inaanan maqaal iyo laba aanan kusoo koobi karin balse ay tani hordhac ku filantahay. akhriste wixii su’aal ama talo ah igu soo waydii cinwaanka hoos ku qoran.

Hibayn: Waxaan u hibeyey qoraalkan dhamaan umada afka somaliga ku hadasha intii uu anfici karo, dhalinyar iyo waayeelba, waxa hubaal ah in qaar ka mid ah bulshadeena ay dhibaatadani fara baas ku hayso, fadlan ka hortagu wuu ka fiicanyahay is dawaynta, waxaan ugu danbayn soo jeedin lahaa in aad ilaahay waydiisato caafimaad kaamil ah oo aad ku dedaasho cibadada insha allahu. Hadii aad u baahantahay reference ku saabsan cilmi baadhistan isoo dir email si aan kugu soo diro wixii resourses ee aan hayo.

Maqaalkan maqaalka xiga oo aynu kaga hadli doono, ahmiyada ay cabitaanka biyuhu u leeyihin caafimadka qofka, inta xanuun ee ay daweeyan iyo xaddiga biyaha ee uu qofku u baahanyahay maalintii.

NB: Qoraalkan xuquuqdisa waxa iska leh qoraaga oo kaliya, dib looma daabici karo, lama badali karo, laakin waa la kaydsan karaa.

Wabilaahi tawfiiq
Dr Ahmed sheikh
a_sheikh84@hotmail.com

Share on Facebook

Waanooyin sida aad Timaahaga u xifdin kartid

Iska yaree inaad isticmaashid kalarka timaha iyo wixii kimika leh.
Timaha ugu duug farahaaga si tartiiba markaad dhaqaysid.
Timaha waligaa toos ha usaarin ( ha u marin ) shaambooga ilaa aad qoysid timaha mooyaane.
Shanlee intaadan timaha dhiqidooda bilaabin.
Markaad dhaqaysid biyo kulul isticmaal, sababta waxay caawiyaan biyaha kululi inay suuliyaan subaga saaran haraga madaxa, (adoo ilaalinaya darajada aad xamili kartid biyaha kulul, wuxuu diidayo jirkaaguna ka daa)
Dhaqida kadib shanlee iyagoo qoyan wali intaanay qalalin, sababtoo?ah timuhu markay qoyanyihiin ayey kala baxaan, hadii aad sugtid intay ka qalalayaan way isku dhagayaan timihuna way ku go?aan sidaas.
Shanlada burushka ah ka ilaali timahaaga aad ayey ugu xunytahay timaha, shanlo af waawayn isticmaal.
Intaadan shanlaynta bilaabin timaha kukala bixi farahaaga, markaa kadib shanlee.
Ukunta gudaheeda inta jaalaha?ah iyo miyoonayska timaha isku walaaq oo isticmaal hadii timahaagu adagyihiin, una daa 15 daqiiqo, markaas kadibna ku dhaq biyo qaboow ah.

WQ:Sucaad A. Maxamed

 

 

Share on Facebook

Quruxda jidhka make-up la`aan

Liin dhanaanta (laymuunka):

Casiirka laymuunka wuxuu ka midyahay dawooyinka dabiiciga ah ee lagu daweyn karo dhibaatooyinka maqaarka. Wuxuu qurxiyaa maqaarka wajiga, oo uu ka hortagaa jilciyaana dhibcahaa wajiga ka soo baxa.

Casiirka laymuunka waxaad marisaa wajiga oo kuna daysaa daqiiqado, kadibna iskaga dhaq biyo diirimaad ah. Casiirka laymuunka waxaa kale oo uu ka tirtiri ilkahaaga midabka jaalada ah, saas daraadeed ku cadayo ama ku luqluqo maalin walba.
Liinta macaan (burtuqaalka)

Si aad u heshid gacmo qurux badan oo jilicsan, waxaad marmarisaa gacantaada markaad awoodid diirka burtuqaalka, sababtoo ah wuxuu uyahay maqaarka qado dabiici ah oo siisa qurux.
Mishmishka.

Waa faakiho ama furuut oo uu ku badanyahay fitaamiin (A), kaas oo muhiim aad ugu ah timaha. Wuxuu timaha udiidaa daadista.
Canbaha:

Wuxuu xoojiya ilkaha oo uu qurxiyaa, sababtoo ah waxaa ka buuxa kaalshiyuum iyo fitamiin (A).
Tiinka Wuxuu faa?iido u leeyahay dadka wajiga finanka ku leh. Tiinku wuxuu wajiga ka yareeyaa dufanka, saas daraadeedna uu bi?iyaa finanka wajiga ku yaala oo uu liishana ka dhigaa.
Baqdoonis ( parsley; persille)

Si aad u heshid waji qurux badan oo iftiimaya ku dhaq wajigaaga baqdoonis subaxdi iyo habeenkii mudo wiig dhan.
Farawlka (strawberry)

Hadaad rabtid in aad wajigaaga ka ilaalisid ama ka baa?bi?isid coodhcoodhka ( rynker ama wrinkle), waxaad shiidaa dhawr xabo oo farawl ah oo kadibna marisaa wajigaaga subaxdi iyo habeenkii, kadib ku dhaq wajiga biyo leh baqdoonis ( parsley ama persille ). Farawlaha wuxuu caawiyaa oo kale nadiifinta wajiga oo uuna liisho ka dhigaa.
Qajaarka:

Waxaa lagu daweeyaa wajiga si uu uga bi?iyo coodhcoodhka iyo dhibcaha ka soo baxa wajiga. Hadduu wajigu dufan badanyahay, waxaa qajaarka lagu shiidaa caano.
Khalka (vinegar):

Wuxuu faa?ido badan uyahay timaha, oo uu jilciyaa dhalaaliyaana. Wuxuuna ka bi?iyaa timaha xuubka. Waxaad marisaa waxyar timaha kahor intaadan qabaysan oo aadan dhaqin timaha. Lugahana waad marinkartaa oo wuu qurxiyaa, wuxuuna ka bi?iyaa xariiqyada buluuga ah ee ka soo baxa xididada lugaha, saas daraadeed waxaad ku duugtaa cagaha subixii iyo habeenkii mudo dhan bil. Hadaad rabtid in aad baruurta iska ridid, mar walba oo aad cunteyneysid koobka ay biyuhu kuugu jiraan ee aad cabeysid, ku shub labbo qaado oo khal ah kadibna cab.
Cilaanka:

Wuxuu cilaanku dawo uyahay xuubka sidoo kale marsigiisu wuxuu xoojiyaa cidiyaha.

WQ:Sucaad.A. Maxamed

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share on Facebook

Sababaha keena inay timuhu daataan.

Sababaha timaha daadiyaa way badanyihiin laakiin waan soo koobaynaa oo 10 ka ugu muhiimsan ayaan sheegaynaa waxaana ka mid?ah:
cudurada qaarkood haduu qofku leeyahay waxay u keentaa in timuhu ay daataan, sida cudurka sonkorta IWM, waxaana laga rabaa qofkaasi inuu ilaashado dawooyinkiisa.
dhiiga oo hoos u dhaca, markaa waa inuu cunaa qofkaasi fitamiinka (jern) si uu dabiici unoqdo dhiigiisu.
timaha oo si qalad ah loo shanleeyo ama si xooga oo adag.
hadii qofka hormuunaatkiisu ay khalkhalaan, matalan haday gabadhu liqdo kiniinka uurka diidaya.
hadii uu qofku uu xaalad nafsi xun?ah ku jiro.
dawooyinka qaarkood timaha way daadiyaan, sida dawooyinka kansarka.
cunto xumida, sida qofka oo rijiim ? is dhuubid ? ku jira iyadoo jirku uu ubaahanyahay cunto, fitaamiinada oo ka maqan. Sidaa tardeed timuhu daciif ayey noqonayaan oo way daadanayaan marka la shanleeynayo.
qofka marwalba marsada waxyaabaha midabka timaha badala ee kimikada leh, raadso mid dabiici ah.
qofka oo da`diisu waynaatay, markuu sii waynaadaba oo uu daciifaba way siidaciifaan timihiisuna.
cudurada lakala dhaxlo.

WQ:Sucaad A. Maxamed

 

 

Share on Facebook